Deni iyo Guudlaawe oo Muqdisho ku kulmay.

Published: April 25, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ahna Musharrax u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaaliya Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha iyo Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ku kulmay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

May be an image of 2 people

Madaxweynayaasha ayaa kulankooda uga wada hadlay xiriirka iyo wadashaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeeysa Maamulada Hirshabeelle iyo Puntland.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu gorfeeyay arrimaha doorashooyinka dalka oo haatan gabo gabo maraya.

Kulanka dhexmaray Madaxweynayaasha Maamulada Hir-Shabeelle iyo Puntland ayaa kusoo aadaya xilli la filayo in toodbaadkaan Muqdisho lagu doorto Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *