Deni iyo Shiikh Shariif oo ku kulmay Muqdisho

Published: April 20, 2022

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo shalay gaaray magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynihii hore Shiikh Shariif.

Labada nin oo kamid ah murashaxiinta Madaxweynaha ayaan kulankooda wax faah faahin ah laga soo saarin marka laga reebo qoraal kooban oo lagu baahiyey barta Facebook ee Madaxtooyada Puntland oo lagu yiri:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa hoyga uu Muqdisho ka deganyahay ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Magaalada Muqdisho ayey hada ku sugan yihiin dhamaan hogaamiyayaasha Dowlad Gobaleedyada xili caasimada Soomaaliya si weyn looga dareemayo loolanka doorashada gaar ahaan doorashada dhawaan la filayo ee guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *