Deni Oo La Kulmay Wafdi Ka Socda UN-ka Kadibna U Dhoofay Nairobi

Published: May 6, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa madaxtooyada Garoowe ku qaabilay madaxa xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland, Guy Griffin.

Kulanka oo looga hadlay arrimaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya waxaa ka qeybgalay Cabdicasiis Maxamuud Maxamed oo arrimaha siyaasadda u qaabilsan xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland.

Dhanka kale madaxweynaha Puntland ayaa kulankani kadib markii uu soo idlaaday u dhoofay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, sida ay inoo xaqiijiyeen xubno ka tirsan xafiiska madaxweynaha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *