Deni oo qabtey shaqadii Farmaajo laga waayey.

Published: September 3, 2020
Madaxweynaha Dowaldda Soomaaliyeed ee Puntland oo khudbad u jeediyey Golaha Aqalka Sare

Madaxweynaha Dowaldda Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta khudbad u jeediyey Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Jamhuuriyadda federaaliga ah, kadib khudbadda Madaxweyna ayaa qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ay su’aalo weydiiyeen, kuwaas oo uu ka jawaabey.

Golaha Aqalka Sare ayaa metala Federaalka Soomaaliya, dalkasta oo qaata nidaamka federaalka ayaa iska leh laba Aqal oo Baarlamaanku ka kooban yahay.

Tan iyo markii la asaasey Aqalka Sare 2016/17 ayaa waxaa ku socdey dagaal siyaasadeed oo la doonaay in hoos loogu dhigo awoodda iyo metalaada Aqalka Sare ugu danbeyna la isku dayo in laga dhigo mid fadhiid ah oo aan loo baahneyn, inkasta oo dastuurka kumeel-gaarka ah uu siinaayo awoodo iyo shaqooyin cad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horey looga waayey in uu Baarlamaanka hortago oggolaado in ay su’aalo weydiin karaan xaaladda dalka, waxaana uu sanadkii ugu danbeeyey si bareer ah u sheegay in Golaha Shacabka ee Baarlamaanku metalo Dowlad goboleedyada, sidoo kale wixii masiirka dalka ah iyaga keliya ula soo noqonaayo.

Ilaa hadda waxaa si weyn looga dareemayaa magaalada Muqdisho saameynta iyo culeyska siyaasadeed ee Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo horey u soo ahaan jirey Xildhibaan iyo Wasiir dowladda federaalka ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

3 Comments

  1. Waxaan Madaxweynaha Puntland Mudane Abdullahi Said Deni ka codsaneynaa in uu la kulmo beelaha Muqdisho oo caabasho weyn ka tabanaya Dawladda Federaalka iyo mas’uuliyeenteeda..
    Waxaan sidoo kale ka codsaneynaa in uu isu soo dhoweeyo bushada Soomaaliyeed ee lakala irdheeyey sanadahii ugu dambeeyey.
    Madaxweyne GUUL baan kuu rajeynayaa.

  2. “Nin xaaskaga raba gabadhaada hoo ma yeelo”, anigu waxaan qabaa Dani iyo madoobe ilaa hada ciyaar beey ku jiraan, umada somaliyeedna weey ka dashay is qabqabsi iyo muran maala yacniya, dalkuna wuxuu burbursanaa 30 sano hadii aaney la jaanqadi karin horomarka iyo hiigsiga dalka maanta ku jiro oo xaalkoodu hunguri yahay xogaa malaba dhulka haalogu daadiyo hadeey xiniya is badeena la arki donaa bal ineey buur noqdaan iyo inkale.