Madaxweyne Deni, Saddex Waddo Midkee Dooranayaa: Doorashadii Federaalka Kadib?

Published: May 25, 2022
Siciid Cabdullaahi Deni
8 Janaayo 2019, Madaxweynaha Puntland oo xilka Puntland loo dhaarinaayo

Waxaa si rasmi ah u soo dhamaadey laba sano oo orod loogu jirey qofkii beddeli lahaa Madaxweyne Farmaajo, isbeddalkaas waxaa ku baxay wakhti iyo dhaqaale aad u badan, waxaa uu khatar geliyey xaaladda dalka oo dhan. Doorashada waxaa isku herdiyey macaahid iyo aragtiyo kala duwan oo ay ugu weynaayeen.

  1. Machadka Nabad & Nolol oo uu hoggaaminaayey Madaxweynihii xilka ka degey ee looga adkaadey doorashada Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
  2. Machadka Midowga Musharixiinta oo ay hoggaaminayeen laba Madaxweyne ee hore inkasta oo ay istraatiijiyadda ay ku kala duwanaayeen
  3. Machadka saddexaad waxaa hoggaaminaayey Madaxweynaha Puntland oo taageero ka haystey mid kamid ah Dowlad goboleedyada.

Guushu waxay raacdey Midowgii Musharixiinta, waxaana ay soo saareen Madaxweynihii 8-aad ee sanadkii 2017 ku guul daraystey dib-u-doorashadiisa waa Xassan Sheekh Maxamuud oo hadda helay fursad labaad oo uu dalka ku hoggaamin karo kuna noqdey Madaxweynihii 10aad.

Guusha ugu weyn ee ay Puntland sheeganayso ayaa ah in meesha laga saarey nidaamkii Farmaajo, inkasta oo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu dedaal badan ku bixiyey sidii uu guul ku gaari lahaa, laakiin nasiib darro calafkiisu muu noqon in uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya, waxaa la qiyaasayaa in Maamulka Puntland uga baxdey doorashadan dhaqaale gaaraya $25 Milyan oo dollar, taas oo ka soo bilaamata soo xulitaankii 11 Senator sanadkii 2021, dhaqaalaha ugu badan ayaa ku baxay soo saarista Xildhibaano badan, ololaha doorashada, iyo habeenkii doorashada oo ay baxdey lacagtii ugu badneyd.

Doorashadii Madaxweyne Deni shaqada badan geliyey, dhaqaalaha badana ku baxay waa dhamaatey, haddaba muxuu yahay tallaabada uu qaadi doono Madaxweyne Deni?, sidee Puntland u hoggaamin doonaa muddada 18-ka bilood ah ee u harsan?.

Madaxweyne Deni guuldaradii doorashada kadib dib uguma laaban Puntland, waxaana uu safar ku aadey dalka Kenya, waxay wararku sheegayaan in uu safar ku tegi doono Imaraadka carabta halka warar kale sheegayaan in uu safar ku tegi doono dalka Jarmalka, waxaa si weyn loo filaayey in Madaxweynaha Puntland dib ugu laabanayo fariisinkiisi iyo maamulkii loo dhaariyey ee uu shaqada kale ka doontey, kadib guuldaradiisa iyada oo xaalad adag ay Puntland ka jirto, sida:

  • Waxaa khilaafkoodu weli taagan yahay Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisi, kuwaas oo aan muddo wada hadal khilaafkooduna banaanka u soo baxay, kaas oo curyaamiyey maamulkii iyo haykalkii dowladnimo.
  • Waxaa kala qaybsan xukuumadda, waxaana jira wasiiro shaqada uu ka cayriyey Axmed Karaash iyo kuwo uu magacaabey oo aan dhaqan gelin, waxaana curyaamey hawlihii xukuumadda oo doorashadu saameysey.
  • Waxaa Puntland ka jirta Abaar aad u daran, waxaana inta badan Puntland aysan weli helin roobkii guga.
  • Xaaladda nololeed ee dadka ayaa ah mid daran oo qiimaha nolosha daruuriga ah cirka isku shareereyso, marka la eego xaaladda caalamku maanta maraayo.
  • Isbeddelka Soomaaliya oo u baahan in Puntland ay talo mideysan ku leedahay si loola jaanqaado Dowaldda Federaalka ee cusub
  • iyo ugu danbeyn siyaasadda Puntland ee doorashada 2024 oo albaabka garaacaysa.

Haddaba Madaxweyne Siciid Deni saddex waddo midee ayuu qaadi doonaa, guul-daradii doorashada kadib iyo dib ugu noqoshadiisa Puntland.

  1. In uu heshiis la gaaro Madaxweyne ku-xigeenkiisa, soo dhiso xukuumad tayo leh oo xaaladda adag dalka ka saari karta,
    • in uu dhayo boogihii iyo saameyntii doorashadii federaalku ku yeelatey Puntland
    • in uu si dhab ah u fuliyo qodobadii lagu xaliyey dagaalkii Bosaso,
    • in uu wadatashi la furo dhamaan waxgaradka, culimada, isimada siyaasiyiinta mucaaradka ah, ururada Siyaasadeed si talo mideysan oo loo dhan yahay Puntland u yeelato, loogana maarmo xaalad hubanti la’aaneed ah.
  2. In uu ku adkeysto siyaasaddiisi horey loogu bartey.
    • Dagaal ku qaado Madaxweyne ku-xigeenka, u isticmaalo Xildhibaanada Golaha Wakiilada dhaqaale ku bixiyo sidii xilka looga xayuubin lahaa, ama uu si kale u curyaamiyo, sida dhaqaalaha oo ka xirto, awoodana uu keligiis maroorsado, Wasiiradii uu xilka ka xayuubiyey soo celiyo, cidna aanu u joojin.
    • In uu xaaladda Bosaso sideeda u daayo, oo aanu fulin qodobadii isimadu soo saareen.
    • In aanu waxba ka qaban saameyntii xiligii uu doorashada u qalab qaadanaayey.
    • In uu damac ka galo muddo kororsi laba sano ah, si loo sii wado doorashooyinka ururada, halkaasna ku soo afmeero nidaamkii 8 Janaayo ee afar Madaxweyne lagu doortey.
  3. Iyo in uu xilka isaga dego, cudurdaar ka bixiyo in Puntland uu ka dal-doorsadey, dhaqaalaheedi ku burburiyey doorashadii federaalka, laakiin ugu yaraan ku guuleystey Farmaajo meesha laga riixo, sidaasna Puntland ugu rajeeyo guul iyo waa cusub.

Haddaba sida ay ku habboon tahay waa in Madaxweyne Siciid Deni qaataa qodobka kowaad, muddada yar ee u dhimana dalka ku hoggaamiyaa nabadoonimo, wixii khaldameyna uu dib u saxaa, si jiritaanka Puntland hubanti u noqdo, isagana aysan gacmihiisa ku burburin.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *