Deni: “ Shirka berri war uma hayo”

Published: March 21, 2021

Madaxweynaha Dowlad Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo waraysi siiyey BBC ayaa sheegay in uusan war u hayn shirka berri furmaya, maadaama uu dhamaaday muddo xileedkii dowlada federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inuu Muqdisho u yimid martiqaad uu ka helay saaxiibada beesha caalamka, kuwaas oo dadaal ku bixinaya sidii loo xalin lahaa khilaafka arrimaha doorashooyinka dalka.

“Waxaan halkaan nimid ka dib markii aan marti qaad ka helnay beesha caalamka gaar ahaan James Swan iyo Yama Moto oo aad baryahaan ugu howshanaa sidii dhinacayada la isugu keeni lahaa ka dib markii uu dhammaaday muddo xileedkii hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka, shirka berri furmayo ilaa hadda wax rasmi oo aan ognahay oo hadda u fadhino ma jirto, balse waxaa taas kasii daran, maxaaba shir laga qeyb galaa meeshii aan u maleeynaynay inay aamin tahay oo ay Ammisom tiri anagaa amnigeeda sugeeyna oo ay Beesha Caalamka nagu casuntay ayaa xalay nalagu soo weeraray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay, waxaana ciidamaasi u fasiranay inay la mid yihiin kuwii 19-kii Febaraayo weeraray Ma’da.”

Madaxweyne Deni

Madaxweyne Deni ayaa sheegay intii uu ku sugnaa Muqdisho, inaysan wax xiriir ah ka helin xukuumada Soomaaliya, taasina ay u arkeen inaan la doonayn imaatinkooda caasimada.

“Muddadii aan joognay waxaan wadahal la yeelanay beesha caalamka iyo dad badan oo Soomaali ah oo ay ugu muhiimsan yihiin madaxdii hore oo hadda ku mideysan Midowga Murashaxiinta, muddadii aan joognay dhinaca xukuumadda ma jirin cid nagala hadashay waxayna u muuqanaysay inaysan diyaar u ahayn imaansheheena. “

Madaxweyne Deni

Dani ayaa sheegay inuu beesha Caalamka ugu baaqayo in dalka Soomaaliya uu u baahan yahay in la samata bixiyo. Waxa uu sheegay in arrimaha doorashada laga hadli karo oo keliya marka laga heshiiyo amniga iyo sida ciidamada Soomaaliya loo maamulayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *