Deni & Xasan Sheekh oo ku dagaalamaya taageerada Xildhibaanada Jubaland!

Published: April 24, 2022

Muddo laba sanno ah ee jiitanka doorashadu socdey, maamulka Jubaland waxaa lagu tirinaayey in uu yahay awoodda ugu badan iyo laf-dhabarta uu ku tiirsan yahay Siciid Cabdullaahi Deni oo u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya, marka laga yimaado Puntland.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dambiil ku ritey 48 Xildhibaan oo deegaan doorashadoodu tahay Puntland, waxaana uu rajeynaayey sidaas si lamid ah in ugu yaraan 40 Xildhibaan oo Jubaland ah dambiil loogu soo ridey, si uu doorashada iyo damiciisa Villa Somalia u gaaro.

Haddaba waxaa jira isbeddelo soo baxaya oo muujinaya Istraatiiyiyadaha cid walba isticmaaleyso iyo sida loogu kala aragti duwan yahay marka ay timaado danaha gaarka ah.

Labada Musharax ee keliya ee Hambalyada u idrey garabka Xildhibaanada lagu soo xulay Ceel-waaq ee Axmed Madoobe maamuley waxay noqdeen Siciid Deni iyo Xassan Sheekh Maxamuud, ma jiro ilaa hadda musharax kale oo hambalyo u direy garabkaas, waxaa sidoo kale hambalyo u direy raysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo labadaas musharax mid kamid ah dhisaaya.

Waxaa soo baxaya in Xassan Sheekh Maxamuud uu si weyn ugu qabsadey Musharax Siciid Deni taageerada Jubaland, isaga oo la yimid farsamooyin uu ku socodsiin karo damiciisa, haddii taasi u hirgashana waxay waxba kama jiraan ka dhigeysaa dedaaladii Musharax Siciid Deni uu ku jirey saddexdii sano ee la soo dhaafey.

Doorashada Aqalka Sare ee shir-guddoonka, maalinta Talaadada, gaar ahaan ku-xigeenka labaad ayaa noqonaya goobta ugu horeeysa ee la isku herdiyo.

Xassan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaano badan oo Jubaland ah ayaa wada in kursiga ku xigeenka labaad lagu taageero Sen. Cabdiullaahi Skeeh Ismaaciil (Fartaag) oo ku beel ah Madaxweyne Farmaajo, waxaana uu haystaa sidoo kale taageerada Axmed Madoobe. Arrintan haddii ay hirgasho, waxaa Jubaland xoogeedu u wareegayaa dhisidda Xassan Sheekh Maxamuud oo wacad ku marey in uu raysalwasaaraha siinayo beesha Ogaadeen haddii ay taageeraan.

Haddaba si looga hortago Raysalwasaare ku hayb ah Axmed Madoobe, ayaa Musharax Siciid Deni iyo kooxdiisu waxay wadaan sidii loo dhisi lahaa Sen. Ilyaas Beddel Gabboose oo ka soo jeeda beesha Ugaadeen, taas oo wax ka beddeleysa habqaybsiga isla markaana u diidi karta in ay ku hammiyaan Raysalwasaaree haddii markaan lagu riixo shir guddoonka Aqalka Sare, isla markaana sidb ugu celin karta taageeradii markii hore Jubaland u haysey Musharax Siciid Deni, waxaa xusuus mudan nidaamka waxqabsiga ee 4.5 waxaa inta badan lagu saleeya kuraasta la magacaabo sida Raysalwasaaraha.

Musharax Siciid Deni ayaa ku guulyesan waayey in uu mideeyo 11 Xildhibaan ee Aqalka sare ku metela Puntland waxaana ka sharaxan saddex musharax, kuwaas oo sheegay in ay damac siyaasadeed leeyihiin ee aysan qof meel ugu xirneyn.

Kooxda Xassan Sheekh haddii ay ku guuleysan waayaan Sen. Fartaag in ay soo saaraan waxaa ka go’an in ay kaararka saarsadaan Sen. Timacadde oo Puntland laga soo doorto.

Raysalwasaare Rooble oo la aaminsan yahay in uu dhisaayo Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa isaga oo maanta ka dhoofaya garoonka diyaaradaha Muqdisho waxa uu kula kulmey labada nin ee hadda isku haysta taageerada Jubaland waa Xassan iyo Deni halkaas, waxaana saddexdu ka mideysan yihiin taageerada iyo hambalyada garabka Ceelwaaq oo loo diidan yahay weli in la siiyo aqoonsiga Xildhibaanimo.

Maalmaha iyo saacadaha soo socda ayaa kala caddeyn doono halka taageerada Jubaland u wareegto ama ay ku negaato.

Maxaed Cismaan – Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *