DF oo Diiday in mar kale dib loo dhigo dacwadda badda ee hortaala ICJ [DAAWO]

Published: October 4, 2019

Dowladda Soomaaliya oo diiday in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska dacwadda badda ee horyaala maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. iyadoo xarunta maxkamadda ay ku suganyihiin masuuliyiin sare oo uu ka mid yahay RaÔÇÖiisul wasaare ku xigeenka dalka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed khadar oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si cad u diiday in mar kale dib loo dhigo dhageysiga ugu danbeeya ee la wada sugayo ee Maxkamada ka dib markii dowladda kenya ay dalbatay in dib loogu dhigo mudo 12-bilood ah.

“Annaga weli goÔÇÖaankayagu waxa uu yahay inaanan aqbalayn wax ka badan 4ta November,kiiska maxkamada ayuu ku jiraa dowladda Kenyana waxay dooneysaa in muddo 12 bilood ah dib loo dhigo taasna iyada ayay jirtaa.ÔÇØayuu yiri Guuleed.

Garsoorayaasha maxkamada ICJ ayaa hadda laga sugayaa in go’aan ka qaadato in dib loo dhigo dacwada mar kale iyo in waqtigii lagu ballamay ee 4ta bishan Nofember la bilaabo dacwada muranka badda ee Somaliya iyo Kenya ka dhaxeeya.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *