DFS oo dhex-dhexaadinaysa Dalalka Itoobiya Iyo Masar

Published: March 23, 2020

Danjire Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa markii ugu horaysay si faah-faahsan uga hadlay dawrka Soomaaliya ee la xiriira khilaafka webiga niil ee u dhaxeeya dalalka Itoobiya Iyo Masar, Wasiir Cawad oo la hadlay Radio Daljir ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay go’aan dhexdhexaadnimo ah ka qaadatay muranka labadaasi dal, islamarkaana aysan la qabin mowqifka dalalka jaamacadda Carabta oo taageersan waddanka Masar.

Wasiir Cawad waxa uu tilmaamey in dowladda Soomaaliya ay dhex-dhexaadnimo u codaysay kulankii waddamada ku midaysan Jaamacadda Carabtu ay kula safteen waddanka Masar oo muranka biyaha Niil-ku kala dhexeeyo dalka Ethiopia.

Danjire Cawad waxa uus heegay in haddii loo baahdo Soomaaliya ay door dhex-dhexaadin ah ka ciyaari doonto muranka labada dal ee Ethiopia iyo Masar, balse aysan marnaba si gaar ah ula safan doonin midkoodna.

Dawlada Soomaaliya ayaa laba wadan u jeedisay codsi ah in ay dhex-dhexaadiso balse labadooda midna weli kama uusan soo jawaabin sida Danjire Cawad Xaqiijiyay, Dhawaan ayay ahayd markii warbaahinta Itoobiya ay baahisay in Soomaaliya iyo Jabuuti ay Itoobiya u dirtay warqad la xiriirta cadaynta dawrka jaamacada carabta qaraarka ay Masar kula safteen maadama ay iyagu xubin ka yihiin.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *