DFS oo dib u dhigtay furitaanka duulimaadyada gudaha dalka

Published: June 17, 2020

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta mar kale si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dib u dhigtay furitaanka duulimaadyadii Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane  Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo wareysi siiyey warbaahinta  Qaranka ayaa sheegay inay dowladda go’aan ku gaartay inaan hadda la furin duulimaadyadii gudaha iyo Debadda.

Sababta ayuu wasiirka ku sheegay inay ka fogaanayaan halista cudurka COVID-19 oo  cabsi  weyn laga qabo  Soomaaliya in uu ku soo labakacleeyo.

“Iyadoo laga taxadarayo in cudurka COVID19 oo maraya marxalado kala duwan waddanka gudihiisa in dib loogu soo celsho meel uu ka yaraaday ama la geeyo meel illaa hadda  uusan gaarin ayaa dib loo yara dhigay furitaanka duulimaadyada gudaha” ayuu yiri Wasiir Omaar.

Xayiraadda la saaray duulimaadyada gudaha Soomaaliya ayaa ku ekeyd 8-da bishan June.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *