DFS oo digniin u dirtay shirkadaha adeegga xamuulka/Cargo-ga ee badeecadaha ka keena dalka dibadiisa

Published: October 21, 2022

Wasiirka wasaaradda gaadiidka badda iyo dekadaha Soomaaliya, Cabdillaahi Axmed Jaamac Ilko-jiir, ayaa faahfaahiyay digniin ay soo saareen, oo ku wajahnayd shirkadaha ka keena dibadda alaabada iyo shaqsiyaad.

Wasiirka Ilko-jiir ayaa ku warbixyey cabashooyinka laga soo gudbiyey dhinacyada kala duwan, kuwaas oo baaritaan lagu sameynayo, ciddii ay ku caddaatana tallaabo laga qaadi doono.

Wasiirka ayaa sheegay in qofka illaa ay maxkamadi xukunto aanan dambiile lagu tilmaami Karin, oo markaa aaney sameyn Karin nidaamka dowliga in tallaabo laga qaado.

Wasaaradda gaadiidka badda iyo dekadaha Soomaaliya, ayaa u digtay shirkadaha bixiya adeegga xamuulka ama Cargo-ga ee badeecadaha, kuwaasoo ka keena dalka dibadiisa, iyadoo loogga digay inay bixiyaan xogta ganacsatada iyo badeecadahaas ay soo waaridaan.

Tallaabadan ayey qaaday wasaaraddu kadib markii ay sheegtay in cabasho kasoo gaartay ganacsatada dibadda wax loogga keeno, oo la sheegay in xogtooda iyo badeecadaha u soo degaba loo gudbiyo ururka Alshabaab.

Wasaaraddu waxay digniinteedaa ku sheegtay in ciddii arrimahaa lagu helo lala tiigsan doono sharciga.

Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay qeybta dambi baarista inay u gudbiyeen cabashada oo haatan baaritaan lagu hayo, iyadoo dhanka kale bayaanka ay la wadaageen warbaahinta aanay carqaladeynayn tallaabooyinka la qaadayo.