DFS oo ka hadashay weerarkii SYL Hotel

Published: December 11, 2019
SYL HOTEL

Ciidamada amniga Dowladda Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyay howlgalkii ay ka wadeen Hotel SYL oo weerar ay ku soo qaadeen maleeshiyaad katirsan Al-Shabaab.

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen waxay faah-faahin uga bixiyeen sida loosoo afmeeray howl-galkaasi.

“Ciidamada ayaa toogtay dhammaan 5-tii qof ee weerarka fulisay, wuxuuna ujeedkoodu ahaa in ay gumaadaan Mas’uuliyiinta iyo dadka shacabka ah ee ku sugnaa gudaha hotelka.”

“Intii uu howlgalku socday waxa ay ciidamadu ku guuleysteen in ay gudaha Hotel-ka SYL kasoo badbaadiyeen ku dhawaad boqol qof oo isugu jiray Mas’uuliyiin dowladda ka tirsan iyo dad shacab ah oo hotelka u joogay nasiino iyo howlo kale oo u gaar ah. halka dhaawac fudud uu soo gaaray 8 qof oo shacab ah.”

“Ururka 60-aad ee ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya iyo ciidamada Booliska ayaa howlgalka ka qeybqaatay, waxayna Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba ku bogaadinayaan sida wanaagsan ee naxariista leh ee ay ugu gurmadeen Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay u dhaarteen difaacistooda.”

“Ugu Dambeyntii Dowladda Fedaraalka Soomaaliyeed waxa ay Murugada iyo tiiraanyada la qeybsaneysaa dhammaan Ehelada iyo Asxaabta ay ka bexeen Shuhadadii ku nafwaayay weerarka Argagixisadu ay ku qaadeen Shacabka Soomaaliyeed. “

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *