DFS oo sheegtay in 20 katirsan Al-shabaab lagu dilay dagaal ka dhacay deegaanka Yasooman

Published: October 12, 2022

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga dalka ay 20 katirsan Ururka Al-shabaab ku dileen dagaal saaka ka dhacay deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan.

Warsafadeed ka soo baxay Dowladda ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga oo kaashanaya dadka deegaanka ay ka hortageen weerarka Kooxda Al-shabaab ay ku soo qaadeen deegaankaas.

Sidoo kale Dowladda ayaa shaacisay khasaaraha dhankooda ka soo gaaray dagaalka.

“Inta lagu jiray hawlgalka ciidankeena geesiyaasha ah waxaa ka shahiiday 3 askari, kooxihii khawaarijta ee weerarka soo qaadayna waxaa ay ka carareen meydadka dhalinyaradii ay soo qaldeen” ayaa lagu yiri Warsaxafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta XFS.

Waxaa intaas la sii raaciyey “Ciidanka oo ku daba jira firxadka Al-shabaab weerarka soo qaaday ayaa gaaray deegaanadii ay iska soo abaabuleen oo Yasooman u jira 20km waxaana ay ka wadaan hawlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka”.

Ciidamada dowladda oo garabsanaya dadka deegaanka ayaa howlagallo ka dhan ah Ururka Al-shabaab ka wada deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Horseed Media