DFS oo sheegtay in Ciidamadu Dileen Ajaaniib Ka Tirsanayd Alshabaab

Published: March 21, 2020

Dowladda federaalka Somaliya ayaa sheegtay in Howl-gallo qorsheysan oo ay Ciidamadu k fuliyeen degaanka Buulo-guduud ee Gobolka Jubbada hoose ayay ku dileen 27 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jiraan ajaaniib.

Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska xoogga Dalka G/le, Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay sidoo kale fashiliyeen Laba Gaari oo noocoodu yahay UD, kuwaasoo ay ku diyaarinayeen qaraxyo ay Argagixisadu doonaysay in ay ku dhibaateeyaan  Shacabka ku dhaqan gobolka Jubbada hoose.

Xubnaha ay dileen Ciidanka xoogga Dalka ayuu sheegay Taliyuhu in ay isugu jireen Malleeshiyaad iyo Horjoogayaal ay ka mid ahaayeen ajaaniib.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *