DFS oo sheegtay in la bilaabayo wejiga 2aad ee howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab

Published: December 10, 2022

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in la bilaabayo wejiga 2aad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab kaas oo lagaga saarayo dalka, ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay la wareegeen Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe, sida ay sheegtay .

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in uu socdo qorshaha xigga ee ciidamada, oo ay tahay in Al Shabaab lagu weeraro dhulka ay maamusho.

“Aadan Yabaal waa degmo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe, hawlgalka Shabaab-na waa qorshe laga leeyahay in dhammaan laga saaro dalka Soomaaliyeed, oo ay gobolo badan ka jooggaan.” Ayuu yiri Afhayeenku.

General Cabdullaahi Cali Caanood, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa xusay in ciidamo kayd ah oo loogu talagalay gurmad iyo taakuleyn ay ku diyaarsan yihiin Magaalooyinka Muqdisho, Jowhar iyo Gobolka Shabellaha Hoose.

Horseed Media