DFS oo sheegtay in tilaabo laga qaadayo Gen. Xirsiile

Published: December 19, 2019

Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Caddaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in tillaabo cad ay ka qaadi doonaan Taliyiihii Xabsiga Dhexe ee ku sameeyay marxuum Xasan Kurtum Calasoow oo xanuunaya uu ka soo saaray isbitaal lagu dabeeyay, sidaane uu ugeeriyooday.

Wasiirka ayaa sheegay inay socoto baaritaano la xiriirta arrinta marxuum Calasoow, islamarkaana dhawaan dowladda ay qaadi doonto tilaabo arintaasi ku haboon.

Sidoo kale  Wasiirka Cadaalada  ayaa ka dalbaday ehelada marxuum Xasan Kurtun Calasow in ay aasaan meydka, islamarkaana ehelka ay ku qancaan baaritaanka ay wadaan hay’adaha garsoorka dalka.

HORSEED MEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *