DFS oo Sheegtay inay burburiyeen saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Jubbada Hoose

Published: March 23, 2020

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in Ciidamada Danab ay burburiyeen saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Jubbada Hoose.

Dowladu waxay sheegtay in Howlgallo iyo duqeymo Maraykanku fulinayeen oo is barbar socday oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada Danab ay ka fuliyeen deegaano hoos yimaada gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Taliyaha ururka shanaad ee ciidamada Danab, Xasan Maxamed Aadan (Ciraaqi) ayaa faah faahin ka bixiyey weeraradaasi lala beegsada kooxda Alshabaab , wuxuuna sheegay inay ku burburiyeen ilaa seddex saldhig oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan maleeshiyada argagixisada ah.

Taliye Xasan Ciraaqi ayaa tilmaamay in saldhigga koowaad uu ku yaallay tuulada Buulo Xaaji, halka kan labada ee kale ay Al-Shabaab ku lahayeen tuulada lagta Caanoole oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray inay gabi ahaan la wareegeen saldhigyadaasi, islamarkaana ay haatan ka wadaan baaritaano dheeraad ah si ay uga bixinayaan miinooyinka ay maleeshiyadu ku aaseen.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in howlgalkaan iyo duqeynta barbar socotay lagu burburiyey labo gaari oo kala ahaa Toyotoa Succeed iyo Suzuki oo uu tilmaamay in ay la socdeen saraakiil sar sare oo ka tirsanaa kooxda nabadiidka ah Al-Shabaab, islamarkaana ay ku jireen kuwa ajaaniib ah.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *