Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Qarax ka dhacay bartamaha Istanbul

Published: November 13, 2022

Qarax sababay khasaare kala duwan ayaa galaabta ka dhacay bartamaha magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Duqa magaalada Istanbul Ali Yerlikaya ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay in 4 qof ay ku naf waayeen halka 38 qofna ay ku dhaawacmeen qaarxaasi.

Waddada uu qaraxa ka dhacay ayaa ahayd mid mashquul badan maadaama ay maanta tahay Axad .

Wali xukuumadda Turkiga wax faahfaahin ah kama bixin waxa sababay qaraxaasi.

Horseed Media