Dhismeyaal cusub oo lagu kordhiyey xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

Published: April 12, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qayb galay Xuska Munaasabadda Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa xarigga ka jaray dhismeyaal cusub oo lagu soo kordhiyey Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Hoggaankiisa Dhismaha ku bogaadiyey fulinta dhismeyaashan tayada leh oo ah kuwa ay si isxilqaan ah u dhiseen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,waxaana uu ku boorriyey in ay dardar geliyaan dadaalkooda ku aaddan dib-u-dhiska xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *