Dhul giriir ka dhacay xadka IRAN iyo Turkiga

Published: February 23, 2020
Dhulgiriir ka dhacay Turkiga Iran

Dhulgariir xajmigiisu yahay 5.7, ayaa ka dhacay xadka u dhexeeya Turkiga iyo Iran, subaxnimadii hore ee maanta. Sida laga soo xiganayo masuuliyiin Turki ah ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhimatey kuwaas oo saddex kamid ah caruur yihiin, waxaana dhaawac soo gaaraya 25 qof oo kale.

Dhaqaaqa dhulka ayaa ka dhacay meel 25 km uga beegan Koonfur bari magaalada Saray ee bariga Turkiga.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Turkiga ayaa sheegaysa in tirada dhimashadu ay kor u kici karto, maadaama dad badan weli ku xaniban yihiin guryaha dumay.

Halka dhulgairiirku ka dhacay ayaa ah goob caan ku ah dhaqaaqa dhulka oo horey ayuu uga dhacay.

Iran weli wax war ah kama soo saarin khasaaraha dhankooda ka dhacay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *