Dhulgariir xoogan oo ay ku dhaawacmeen 35 qof oo ka dhacay dalka Turkiga

Published: November 23, 2022

Dhulgariirkan oo cabirkiisa lagu sheegay 6.0 magnitude ayaa ku dhuftay meel ku dhow Magaalada Duzce, oo qiyaastii 210km dhanka bari kaga beegan Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Dhulgariirka oo mid xoogan ahaa ayaa laga dareemay Istanbul iyo Caasimadda Ankara, waxaana dadka degan Magaalada Duzce iyo deegaanada kale ee ku dhow dhow dibadda uga soo baxeen guryaha, markii uu dhulgariirku dhacay.

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee dalkaasi ayaa sheegtay in 35 qof ay ku dhaawacantay dhul gariirkaasi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga, Suleyman Soylu ayaa sheegay illaa iyo hadda inaanan la soo warin wax dhimasho ah.

Horseed Media