Dib u dhac ku yimid soo xulista Ergada doorashooyinka Xildhibaanada

Published: July 15, 2021

Sida horey loo qorsheeyay 15-ka Bishan oo maanta ku beegan ayaa lagu balansanaa in dhamaan lasoo xareeyo Ergooyinka dooranaya Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Hase ahaate sida muuqata waxaa jira dib u dhac aan loo hayn sababo rasmi ah maadama aysan jiran ilaa iyo hadda wax ergo ah oo lasoo xareeyay.

Diyaarinta iyo xulista Ergada waxa uu kamid ahaa qodobada heshiiskii ay magaalada Muqdisho kuwada gaareen Madaxda Dowlada Federaalka ,Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir.

Dib u dhacanayaa imaanaya iyadoo ay soo baxayaan khilaaf horleh oo laga cabsi qabo in uu saameeyo qabsoomidda doorashada ,waxaana kamid ah kala qeybsanaanka u dhaxeysa Gudiga maamulaya Doorashoyinka kuraasta Xildhibaanada Waqooyi iyo arinta gobolka Gedo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *