Dib u dhac markale ku yimid doorashada Ethiopia

Published: May 16, 2021

Doorashooyinkii guud ee dalka Ethiopia gaar ahaan tan Baarlamaanka oo la qorsheynayay in ay dhacdo horaanta bisha soo socota ee June ayaa dib u dhac uu ku yimid.

Birtukan Mideksa oo Madax u ah Gudiga Doorashada Ethiopia oo shaacisay dib u dhaca doorashada ayaa u sababaysay in mudadaas kooban ee ka haray Bisha June aan la dhameystiri karin diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo howsha Tababaridda shaqaalaha doorashooyinka sidaas darteedna dib loogu dhigayo doorashada.

“Runtii waxa ay noqotay wax aan macquul aheyn in dhammaantood lagu soo gudbiyo taariikhaha markii hore loo cayimay ,Codbixintu ma dhaceyso 5-ta June ma sheegi karno taariikhda maaddaama guddiga ay tahay in ay darsaan talooyinka ay ka helaan xisbiyada”

ayay tiri Birtukan Mideksa.

Waa markii labaad oo dib loo dhigo doorashada Ethiopia,Bishii August ee Sanadkii hore ayay ahayd markii sidan oo kale dib loogu dhigay qabsoomidda doorashada sababo la xiriira saameynta cudurka Covid19 iyadoo xiligaas wixii ka dambeeyayna Ethiopia ay gashay dagaalka ka dhacay gobolka waqooyi ee Tigray.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo sanadkii 2018 talada Ethiopia qabtay ayaa waxa uu balan qaaday in uu meesha ka saarayo hannaankii xukun maroorsiga iyo ku dhaganaanta waxaana uu taa badalkeeda sheegay in uu qaban doono doorasho dimoqraadi ah oo abid ka qabsoomta Ethiopia.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *