DIGNIIN: Puntland Oo Ka Digtay Roobab Dabaylo Wata

Published: September 30, 2020

Digniin kasoo baxday wasaaradda deegaanka, beeraha iyo isbedelka cimilada Puntland ayaa lagu sheegay inay roobab mahiigaan ah oo dabylo wata kusoo wajahan yihiin deegaanada Puntland.

Fariintan ayey wasaaraddu si gaar ah ugu dirtay goboladda Bari, Nugaal, Sanaag iyo Sool kuwaas oo qaybo ka mid ah ay xalay ka da’een roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyadu.

Roobabka Dayrta ayaa sidoo kale xalay ka curtay magaalada Qardho iyo deegaano hoostagga oo ka tirsan gobolka Karkaar.

Dhowaan ayey ahayd markii ay qof dumar ahi ku dhimatay roobab dabaylo wata oo da’ay degmada Rako-raaxo ee gobolka Karkaar.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *