Guddiga isku dhafka ah ee Doorashada Madaxweynaha 10aad JFS ayaa maalintii labaad diiwaangelinaya Musharixiinta u tartamaya…
Guddiga isku dhafka ah ee Doorashada Madaxweynaha 10aad JFS ayaa maalintii labaad diiwaangelinaya Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha dalka.
Guddiga oo ku shaqeynaya Xarunta Golaha Aqalka Sare, ayaa shalay billaabay diiwaangelinta Musharixiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha 10aad Jamhuuriyadda.
Sida ku xusan jadwalka Guddiga Doorashada Madaxweynaha 10aad, diiwaangelinta musharixiinta ayaa soconeysa 8da, 9ka & 10ka May 2022, halka uu dejin doono jadwalka hadal jeedinta sida loo kala siinayo xubnaha xildoonka ah ee hortaga BFS.
Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 15-ka May 2022, Muqdisho waxaa ku sugan musharixiin isugu taagay qabashada xilka waddanka ugu sarreeya si qofkii ku guuleysta uu u noqdo hoggaamiyaha 2022-2026.