Dil Ka Dhacay Masjid Ku Yaala Gaalkacyo

Published: October 10, 2020

Waxaa caawa qof lagu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ee qaybta Puntland, kadib markii shaqsi hubaysan uu qof ku dhex toogtay masjidka Abuu Hurayra ee ku yaalla xaafada Israac.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabay Siciid Jaamac Maxamed (Siciid Maradona), wuxuu ahaa taksiile caan ka ah deegaanka oo u kala bixi jirey magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.

Ciidamada Booliska Gaalkacyo ayaa sheegay inay ku raadjoogaan shaqsigii falkaasi geystay oo goobta isaga cararay.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xili muddooyinkii dambe uu soo hagaagayey amaanka magaalada Gaalkacyo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *