Dilal Ka Dhacay Magaalada Laascaanood

Published: March 26, 2017

Magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool waxaa siyaabo kala duwan uga dhacay dilal qorshaysan oo lagu toogtay labo ruux.

Rag ku hubaysaan bastoolado ayaa xalay fiidkii waxay ku dileen alle ha u naxariistaa Jaamac Cabdi oo ahaa shakhsi si weyn looga yaqaan degaanka laascaanood, iyadoo ragii dilka gaystay ay goobta ka baxsadeen.

Waxaa kaloo isla xalay magaaladda lagu dilay nin kale oo lagu magacaabo C/xakiim Ducaane, iyadoo ragii dilka gaystay ay ka baxsadeen goobta.

Lama garanayo sababta loo dilay ragan hase yeeshee ciidamada nabadgelyada gobolka Sool ayaa bilaabay howgalao ballaaran oo lagu baadigoobayo ragii hubaysnaa ee dilka gaystay , iyadoo aaney jirin cid loo soo qabtay dilalkaas.

Gabagabadii, Magaaladda Laascaanood oo 10 sanno ka hor ay ciidamada Somaliland la wareegeen ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay kusoo badaneyey dilalka sidan oo kale ah.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *