Diyaarad dagaal uu militeriga Ruushka leeyahay oo ku dhacday Siberia

Published: October 24, 2022

Diyaarad dagaal oo ay leeyihiin militeriga Ruushka ayaa ku dhacday meel la dagan yahay oo ku taalla koonfurta Siberia, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka.

Diyaaraddan oo lagu magacaabo Sukhoi Su-30 ayaa ku dul dhacday guri ka kooban labo dabaq oo ku yaalla deegaanka Irkutsk.

Guddoomiyaha gobolka ayaa sheegay in duuliyeyaashii diyaaradda ay dhinteen iyadoo ay waxyeello ay soo gaartay dadka deegaanka.

Muuqaallo lagubaahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay holac iyo qiiq kasoo baxaya goobta ay ku dhacday diyaaradda.

Horseed Media