Diyaarad ku bur burtay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

Published: July 18, 2022
Diyaaradda Burburtay

Diyaaradda Jubba Airways oo nuuceedu yahay 50 qaad ah kana timid magaalada Baydhabo ayaa ku burburtay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradda waxaa saarnaa rakaab ay kasoo qaaday magaalada Baydhabo oo xarun KMG ah u ah maamulka Koonfur Galbeed.

Goobjoogayaal ku sugan gudaha Garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in ay arkayeen diyaaradda oo Mid kamid ah Baalasheeda dhulka ku dhufsatay kadibna kabaxday Dhabaha ay kusoo dageysay.

Dhammaan Rakaabka la socday diyaaradda ayaa laga soo badbaadiyay, mana jiro qasaare ah dhaafsiisan burburka diyaaradda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *