Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo duqeyn ka geystay Deegaanka Masaajid Cali Guduud

Published: October 23, 2022

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa duqeymo ka gesytay deegaanka masaajid Cali Guduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe halkaas oo ay ka dhaceen dagaalo xooggan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, Ciidanka deegaanka ee macwiisleyda oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab.

Dad deegaanka ayaa sheegay inay maqleen Jugta Gantaalo laga soo tuuray diyarado ku socday joog hoose.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta dhacday, sidoo kale Ciidanka dowladda Federaalka ayaa ku sugan bannaanka masaajid Cali Guduud.

Deegaanno katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ka socda dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo wadaan Ciidamada Dowladda kuwaas oo doonaya inay la wareegaan deegaanka masaajid Cali Guduud oo saldhig weyn ay ku leeyihiin Ururka Al-shabaab

Horseed Media