Diyaaradaha Israel oo wali xasuuq duqaymo ah ka geysanaya Rafah

Published: May 30, 2024

Ciidamada Israel ayaa ugu yaraan 12 falastiiniyiin ah ku dilay duqeyn ka dhacday magaalada Rafah ee koonfurta Qaza Khamiista maanta, waxaana dagaalku uu ka dhacay dhowr goobood oo kale oo ka tirsan gobolka xeebta, sida ay sheegeen dhakhaatiirta Gaza.

Israa’iil ayaa ku sii adkeysay weerarkeeda Rafah maalin kaddib markii ay sheegtay in ciidamadeedu ay la wareegeen aagga difaac ee ku yaalla xadka u dhow ee u dhexeeya Marinka Gaza iyo Masar, taasoo siisay awood wax ku ool ah oo ay ku maamusho dhammaan xuduudka dhulka ee Gaza.

Waxa ay sheegtay in qabsashada aagga difaaca ay gooysay waddo ay kooxda Islaamiga ah ee Falastiiniyiinta ee Xamaas u adeegsan jirtay in ay hubka ku soo galiyaan Gaza in ka badan 7 bilood oo dagaal ah, kaas oo baabi’iyay inta badan dhulkaas, lagana cabsi qabo macaluul.

Ilaha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in 12-ka qof ee Falastiiniyiinta ah oo ay ku sheegeen in ay ahaayeen rayid lagu dilay, tiro kale oo aan la cayiminna lagu dhaawacay duqeyn ay geysteen diyaaradaha Israa’iil, xilli ay isku dayayeen in ay soo saaraan meydka qof rayid ah oo ku sugnaa bartamaha magaalada Rafah.

Qof kale oo rayid ah oo Falastiini ah ayaa lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo lagu qaaday xerada qaxootiga ee Al-Shati ee galbeedka magaalada Gaza ee waqooyiga gobolka ay dadku ku badan yihiin, sida ay dhakhaatiirtu sheegeen.

Israa’iil ayaa sheegtay iska horimaadyo ka dhacay koonfurta, bartamaha iyo waqooyiga Qaza balse si degdeg ah ugama hadlin dhimashada la sheegay ee Rafah, halkaasoo boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah oo barakacayaal ah ay gabaad ka dhigteen horraantii dagaalka.
Adeegga isgaarsiinta ayaa la jaray magaalada Rafah, sida ay bayaan ku sheegtay shirkadda isgaarsiinta Falastiin ee Jawa.

Israa’iil ayaa sii waday duullaanka ay ku hayso Rafah inkasta oo ay amartay maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, maxkamadda ugu sarreysa Qaramada Midoobay, si ay u joojiso weerarrada.

Israa’iil waxay sheegtay in ciidamadeedu ay magaalada ku dileen 300 oo qof oo Falastiiniyiin ah tan iyo 6-dii May, markaasoo ay billowday wax ay ugu yeertay dadaallo ay ku doonayso inay xididdada ugu siibiso dagaalyahannada Xamaas ayna soo furto la haystayaasha. Maxkamadda ICJ ayaa sidoo kale ku baaqday in la sii daayo la haystayaasha Gaza ee Xamaas ay ku haystaan.

In ka badan 36,000 oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay dagaalka cirka iyo dhulka ee Israa’iil ka waddo guud ahaan Gaza, iyadoo 53 ka mid ah dadkaasi lagu dilay 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.

Israa’iil ayaa weerarkeeda billowday kaddib markii dagaalyahannada Xamaas ay ka soo tallaabeen Qaza oo soo galeen koonfurta Israa’iil 7-dii Oct.

Milatariga Israel ayaa sheegay in askari looga dilay dagaal ka dhacay waqooyiga Qaza, taas oo ka dhigaysa 292 khasaare dagaal oo Israel ah tan iyo markii ugu horeysay ee ay gudaha u galaan Gaza 20 Oct.

Horseed Media