Doha: Maraykanka oo Taalibaan La Saxiixday Heshiis Taariikhi ah

Published: February 29, 2020

Magaaladda Doha ee wadanka Qadar waxaa heshiis Taariikhii ah ku kala saxiixday dowladda Maraykanka iyo Ururka Taalibaane ee afganistaan,

Heshiiskan ayaa dhigay in ciidamada shisheeye ee Maraykanku hoggaaminayo ay dalka afganistan kaga baxaan muddo 14 Bilood oo ka bilaabanaysa maalinta heshiiska la saxiixay.

Heshiiska waxaa dhinaca Mareykanka u saxiixay ninka wada xaajoodka u qaabilsana Zalmay Khalilzad iyo madaxa siyaasadda ururka Taliban Mullah Abdul Ghani Baradar, waxaana goobjoog ahaa Mike Pompeo, xogyahaha arrimaha dibada ee Maraykanka

Heshiiskan oo ah mid taarikhi ah ayaa soo afjarayaa dagaal dhimasho iyo dhibaato badan u keenay dalka Afganistaan 18 sanno ee la soo dhaafay markii sanadkii 2002dii Ciidamadu Maraykanku ay ku duuleen dalkaasi, xukunka ka rideen ururka Daalibaan.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay dowladda afganistan iyo ururka taalibaan inay ka faa’iidaystaan fursada heshiiskan si buu yiri loo soo afjaro colaada Afganistan ee 18 sanno jirsatay. Dhinaca kale, Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka Mark Esper  ayaa u duulay caasimada Kabul si uu ugu soo qanciyo xukuumadda Afganistan heshiiska ay la gaareen Taalibaan, hehsiiskan ayayna dowladu qayb ka ahayn.

Dowladda Afganistan weli wax war kama soo saarin heshiiska ay wada gaareen Maraykanka iyo Taalibaan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *