Donald Trump ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo lagu helo dambi

Published: May 31, 2024

Xeerbeegtida New York ayaa Trump ku helay danbi ah inuu been abuuray dukumeenti si uu u qariyo xiriir qarsoodi ah oo uu la lahaa haweenay jirkeeda ka ganacsata ka hor doorashadii 2016.

Ka dib laba maalmood oo dood socotay, xeerbeegtida 12-ka xubnood ah waxay ku dhawaaqeen in Trump uu galay dhammaan 34-da eedeymood ee lagu soo oogay.

Trump ayaa si niyad jab leh u daawaday xeer-beegtida markii cod loo qaadayay si loo xaqiijiyo xukunka la isku raacsan yahay.

Dembiyada ka been abuurka dukumentiyada ganacsigu waxa ay xanbaarsan tahay ugu badnaan afar sano oo xadhig ah, inkasta oo kuwa la xukumo ay inta badan helaan xukuno xabsi gaaban, ama ganaaxyo.

Garsoore Juan Merchan ayaa sheegay in 11-ka bisha Luulyo uu soo saari doono xukunka, maalmo yar ka hor inta aan xisbiga Jamhuuriga uu si rasmi ah ugu magacaabin Trump murashaxooda madaxweyne ee doorashada 5ta Nofeember.

Xadhiggu si sharci ah ugama hor istaagayo inuu u ololeeyo doorashada ama uu xilka qabto.

Horseed Media