Donald Trump Oo Loo Dhaarinayo Madaxweynaha Maraykanka-Sawiro.

Published: January 20, 2017

Saacadaha soo socda waxa xilka madaxweynaha maraynkanka loo caleemo saari doonaa Donald Trump oo xilka kala wareegaya madaxeynihii hore ee Barak Obama oo sideed sanno ee u dambeeyay hayay.

Xafladda caaleemo saarka waxaa ka qaybgalaya ilaa iyo hal milyan oo qof oo goobjoog ka noqon doona munaasabada, oo ay ka mid yihiin madaxweynayaashii hore ee maraykanka iyo xubno ka tirsan labad aqal, waxaa kaloo shaashadaha telefishanada ka daawan malaayiin qof oo kale oo Caalamka.

70 jirkan maalqabeenka ayaa 8 fiidnimo ee xiliga geeska afrika waxaa loo dhaarin doonaa madaxweynihii 45-aad ee Mareykanka, iyadoo lagu dhaarin doono inuu difaaco, uuna ilaaliyo dastuurka dalka maraykanka.

Trump ayaa khudbad u jeedin doono goobta lagu dhaarinayo ka hor inta uusan tegin aqalka Cad oo macasalaamayn doono madaxweyna Obama iyo marwadiisa .

Mudaharaadyo ballaaran oo looga soo horjeeda madaxweynaha la doortay ee Trump ayaa ka socda magaalooyinka Washington iyo Newyorka iyadoo

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump uu sheegay inuu midayn doono dadka maraykanka marka uu xilka la wareego.

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *