Donald Trump oo saxiixay wareegto xadideysa qaxootiga Siiriya iyo Soomaaliya – VIDEO

Published: January 28, 2017

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa maalintii jimacada ee shalay saxiixay wareegto lagu xadidayo qaxootiga Siiriya iyo weliba qaar kamid ah dalalka Musliminta ah in ay tagaan dalka Maraykanka.

Wareegtada ayaa si toos ah u sheegaysa in aan dal-ku-galka Maraykanka la siin karin dadka ka yimaada dalalka Siiriya, Iraan, Ciraaq, Libya, Suudaan, Soomaaliya iyo Yeman.

Ol-olihii doorashada ayaa Trump ballan qaadey in uu dadka Muslimiinta ah ka mamnuuci doono in ay soo galaan Maraykanka inta uu yahay Madaxweynaha ama ay ogaanayaan dhibaatada socota waxay tahay, mar danbe ayuu qodobkaas ka soo debcay, waxaana u ballan qaadey dalal gaar ah sida uu hadda wareegtadiisu muujineyso.

Go’aankan ayaa lagu fulinayaa muddo 90 maalmood ah gudahood sida ku qoran wareegtada Trump. Wareegtada ayaa joojineysa dhamaan qaxootiga Maraykanku ka soo qaadi jirey Siiriya oo kamid ah dalalka diyaaradihiisu duqeeyaan muddo 120 maalmood ah gudahood.

– Anagu ma dooneyno in ay noo yimaadaan, waxaan rabnaa in aan dalkayaga u oggolaano kuwa na taageera, oo dadkeena jecel ayuu yiri Trump.

Donald Trump ayaa dhanka kale sheegay in qaxotiga Masiixiyiinta ah ee dalalkaas ka yimaada iyaga la soo dhaweynaayo, lana siinayo tixgelinta kowaad mar uu waraysi siinaayey Telefishanka Christian Broadcasting Network

PRESIDENT TRUMP: “They`ve been horribly treated. Do you know if you were a Christian in Syria it was impossible, at least very tough to get into the United States? If you were a Muslim you could come in, but if you were a Christian, it was almost impossible and the reason that was so unfair, everybody was persecuted in all fairness, but they were chopping off the heads of everybody but more so the Christians. And I thought it was very, very unfair. So we are going to help them.”

Sharciga Maraykanka ayaa dhigaya in aan dadka la kala faquuqin, taasna ay tahay midda uu ku dhisan yahay sharcigoodu, waxaana sharci yaaqanadu sheegayaan in go’aanadan qaarkood ay adkaan doonto in la fuliyo ama sharci laga dhigo.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *