Dood Cilmiyeed lagu qabtay Machadka CITIZEN ee Magaalada Bosaso-Sawiro

Published: February 28, 2018

Dood cilmiyeed ku saaabsan arrimaha qosyka gaar ahaan xalinta khilaafaadka soo wajaha lamaanaha ayaa lagu qabtay hoolka machadka Citizen international College oo ah campus hoostagga jaamacada Bariga Afrika

kulankan ku saabsanaa dood cilmiyeedka arrimaha qoyska waxaa soo qaban-qaabiyay maamulka machadka CITIZEN COLLEGE Bosaso iyadoona ay kasoo qeyb galeen aqoonyahano arday, maamulka machadka iyo marti sharaf kale.
ugu horeyn waxaa furay dood cilmiyeedkan Maxamed Khaalid xundhur oo ah maamulaha machadka Citizen College isagoona ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay in la xaliyo khilaafaadka soo kala dhex gala qoysaska

Marti sharaftii kale ee ka qeyb galay dood cilmiyeedkan ayaa iyaguna dhankooda fikradahooda ku biirayay habka ugu haboon ee loo xalin karo mushkilaadka qoysaska soo kala dhex gala

Doodcilmiyeedkan ayaa kusoo geba gabowday jawi degan iyadoona lays weydaarsaday qaababka ugu haboon ee qoysasku ay ugu wada noolaan karaan jawi farxdadeed.

Cabdirisaaq Faamoos

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *