Doorashada Guddoonka Golaha shacabka oo laga wareejinayo xarunta Baarlamaanka.

Published: April 24, 2022

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa soo saaray go’aan la xiriira qabashada doorashada guddoonka oo lagu wado in la qabto 27 April.

May be an image of 7 people, people sitting, people standing and indoor

Gudoomiye Cabdirisaaq Cumar ayaa shaaciyey inay go’aansadeen in doorashada laga wareejiyo xarunta Golaha shacabka ee Villa Hargeysa, sababo la xiriira amniga.

Guddoomiyaha ayaa xusay in kulamadii ugu dambeeyey ay xarunta ku dhaceen falal amni darro sida hoobiyeyaal lagu soo tuuray dhismaha Villa Hargeysa, xilli uu socday kulanka Baarlamaanka iyo shalay oo ay ugu dambeysay oo xabad ay ku dhacday Qaboojiyaha.

Cabdirisaaq Maxamed Cumar wuxuu intaasi ku daray inay ku dadaaleen in aysan baaqan hadal jeedinta, doorashadana ay ku qaban doonaan waqtiga loo asteeyey, ayna ka dhici doonto meel kale.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu socdo qorshe lagu doonayo in doorashada Gudoonka Golaha shacabka lagu qabto teendhada Afisyooni.

Ilaa hadda lama yaqaan cidda iska leh awooda wareejinta goobta Xildhibaanadu ku shirayaan, ma tahay in xildhibaanadu cod geliyaan shir guddoonka kumeel-gaar ahna uu ku dhawaaqo, mise waxaa iska leh guddiga qabanqaabada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *