Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS iyo ku xigeennadiisa ayaa maanta oo Arbaca ah lagu wadaa inay ka qabsoonto Xarunta Ciidanka Cirka Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/04/image-17.png)
Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka BFS ayaa sheegay in maanta Xildhibaannadu ay dooranayaan Guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen si uu dalka u yeesho hoggaanka hay’adda Xeer dejinta.
Teendhada Afisiyooni waxaa la geeyay Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka, halka la xiray waddooyinka u dhaw oo waxaa loo diidayaa Dadka iyo Gaadiidka, hoolka waxaa ku sugan Ciidamo gaar ah loo diyaariyay baarista goobta iyo Dadka tagaya.
Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad JFS 8 Musharax ayaa u taagan kuwaas oo 23kii April 2022 fursad loo siiyay in ay kahor hadlaan Xildhibaannada u codeynaya.
Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka 1aad waxaa u tartamayaan 10 Musharax, halka ku xigeenka 2aad ay isugu diiwaangeliyeen 7 Xildhibaan.