Doorashada Guud ee Pakistan iyo Isgaarsiinta Mobile-ka oo hawada laga saaray

Published: February 8, 2024

Shacabka dalka Pakistan ayaa saaka oo khamiis ah u dareeray goobaha codbixinta, xili doorashada sanadkan ay hareeyeen cabsida dhanka amniga iyo weerarada ismiidaaminta ah.

Doorashadan Guud ayey shacabka u codeyn doonaan murashaxiinta u tartamaya xilalka Heer Federaalka iyo heer Gobal.

Dad gaaraya 120 milyan ayaa u diiwaangashan inay codkooda dhiiban karaan, goobaha codbixinta ayaa gaaraya 90 kun oo goobood.

Ciidamo gaaraya 650 kun oo askari ayaa heegan la geliyey si ay u sugaan amniga doorashada.

Waxaase weli jirta cabsida dhanka amniga ah iyadoo saaka hawada laga saaray gebi ahaan isgaarsiinta teleefonada gacanta.

Arbacadii shalay ayaa qarax weyn lala beegsaday goob ay ka socotay ololaha doorashada ee gobalka Balochistan ay ku dhinteen ugu yaraan 24 qof, weerarkaasi oo ay sheegatay kooxda Daacish.

Murashaxii ugu weynaa ee Mucaaridka Imran Khan ayaa xabsi ku jira loona diiday inuu ka qeyb galo tartanka, arrintaasi oo ay taageerayaashiisa ku eedeenayaan inay ka danbeeyaan militariga wadankaasi oo awood weyn ku leh siyaasadda.

Murashaxiinta u tartamaya kuraasta Federaalka ayaa gaaraya 5,121 halka kuraasta gobalada ay u tartamayaan murashaxiin gaareysa 12,695.

Raysalwasaarihii hore Nawas Sharif ayaa kamid ah xubnaha ugu cad cad inay ku guuleystaan doorashada, iyadoo ay jiraan warar sheegaya inuu taageero ka helayo militariga.

Sharif oo hogaamiyaha xisbiga Muslim League ayaa sanadkii 2018 lagu xukumay arrimo musuq maasuq iyo inuusan xil qaban karin muddo 10 sano ah, wuxuuna u baxsaday magaalada London halkaasi oo uu ku noolaa tan iyo bishii Oktoober ee sanadkii lasoo dhaafay.

Horseed Media