Doorashada Koonfur Afrika iyo Tirinta cododka oo socota

Published: May 30, 2024

Dalka Koonfur Afrika oo ay shalay ka dhacday codbixinta doorashada guud iyadoo ay codkooda dhiibteen tiraddii ugu badneyd ee shacabka diiwaangashan.

Wadankaasi ayey ka diiwaangashan yihiin inay codkooda dhiibtaan 27.79 milyan oo qof, kuwaasi oo intooda badan codka dhiibtay. Codbixinta ayaa socotay illaa xalay xili danbe.

Doorashadan ayaa lagu tilmaamay tii ugu muhiimsanayd soddonkii sano ee lasoo dhaafay.

Xisbiga talada haya ee African National Congress (ANC) ayaa wajahaya loolankii ugu adkaa tan iyo intuu hogaanka qabtay, waxaana dhici karta inuu helo wax ka yar 50% codadka, isla markaana markii ugu horreysay uu lumiyo aqlabiyadda buuxda ee baarlamaanka.

Tirinta cododka ayaa weli socota, waxaana lagu wadaa in natiijada ay ku dhawaaqaan guddiga doorashada maalmaha soo socda.

Horseed Media