Doorashada Senegal oo dhici doonta 24ka Maarso

Published: March 7, 2024

Madaxweynaha Senegal Macky Sall ayaa shaaciyey xiliga ay dhici doonto Doorashada, kadib xiisadii ka dhalatay dib-u-dhigista doorashada oo horey loo qorsheeyey inay dhacdo 25-kii bishii Feberaayo.

Golaha Dastuurka ee dalkaasi ayaa diiday go’aankii Madaxweynaha iyo Baarlamaanka ee dib loogu dhigay doorashada. Waxayna sheegeen in doorashada la qabto kahor inta aan uu xilka ka dhamaan Madaxweynaha oo wakhtigiisa ku egyahay 2da bisha Abriil.

Wuxuu Golaha Dastuurka, sidoo kale sheegay inay tartanka doorashada ay ka qeyb geli karaan 19-kii Murashax ee horey loo ansixiyey.

Madaxweyne Sall, ayaa sheegay inuu xilka ka degi doono marka uu wakhtigiisa dhamaado. Wuxuuna xilka soo hayey tan iyo sanadkii 2012.

Todobaadyadii lasoo dhaafay ayey dalkaasi ka dhacayeen banaanbaxyo waaweyn oo khasaare keenay, iyadoo xisbiyada Mucaaridka ay sheegeen inaysan sinaba u aqbali doonin inuu wakhtiga dheeraysto Madaxweyne Sall.

Go’aankii Madaxweynaha uu doorashada dib ugu dhigay ayaa salka ku hayey murran ka taagan murashaxiinta xilka u tartameysa iyo musuq-maasuq uu ku eedeeyey inay faraha kula jiraan qaar kamid ah Garsoorayaasha dalkaasi.

Macky Sall, ayaa ka cabsi qabay in tartanka ay ku guuleystaan murashaxiinta mucaaridka oo la saadaalinayo inay tartanka uga awood badan yihiin xisbiga Madaxweynaha oo aan weli helin murashax heysta taageerada shacabka.

Horseed Media