Doorashada USA: Doodii ugu danbeysay ee Trump iyo Biden

Published: October 23, 2020

Doodii ugu danbeysay ee murashaxiinta Madaxweynaha Maraykanka oo dhacday habeenimadii xalay oo Jimcaha soo galayey ayaa ahayd mid adag walow ka degen doodii kowaad ee murashaxiintan yeesheen bishii hore ee September.

Madaxweynaha xilka haya Donald Trump iyo Murashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Dimuquraadiga Joe Biden ayey doodan u ahayd fursada ugu danbeysa oo ay shacabka Maraykanka uga gadayaan qorshahooda.

Waxaa horey loo qorsheeyey in ay sadex dood dhexmarto labada murashax balse doodii 2aad ayaa la baajiyey kadib markii cudurka Covid19 uu ku dhacay Donald Trump, doodii kowaad oo dhacday bishii September ayaa ahayd mid ku dhamaatay fowdo kadib markii Trump uu buuq ku furay Joe Biden oo uu hadalkiisa ka dhexgalayey.

Inkastoo doodii xalay ay ahayd mid labada murashaxa ay ixtiraamayeen nidaamka dooda ayey hadana isku dhaafsadeen eedeynmo culus.

Hoos ka daawo dooda oo dhameystiran:

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *