Doorashada USA: Wadooyinka gala Aqalka Cad oo la xiray

Published: November 2, 2020

Dalka Maraykanka ayaa looga diyaar garoobayaa doorashada Madaxweynaha ee dhici doonta maalinta beri ah ee 3da bisha November, waxaana socda dhaq dhaqaaqii ugu danbeeyey ee ololaha ay wadaan Donald Trump iyo Murashaxa la tartamaya ee Joe Biden.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in rabshado ka dhashaan natiijada doorashada iyadoo hada la bilaabay in la xiro wadooyinka soogala Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanka.

Sidoo kale, goobaha Ganacsiga ee magaalada Washington DC caasimada Maraykanka ayaa qaarkood bilaabay inay xiraan xarumahooda.

Donald Trump iyo Joe Biden ayaa wada ololahoodii ugu danbeeyey iyagoo kulamadii ugu danbeeyey Axadii shalay ku qabtay gobalada loolanka adag ka socdo sida: Michigan iyo Pennsylvania.

Ciidamada Amniga Maraykanka ayaa sheegay inay si gaar ah isha ugu hayaan goobaha codbixinta iyagoo sheegay inay ka hortagi doonaan cidii fowdo sameysa xiliga doorashada socoto.

Waxaa jira dad badan oo maalmihii lasoo dhaafay horey codkooda usii dhiibtay, waxaana la sheegaya in dad ka badan 93 milyan oo qof ay hada cododkooda dhiibteen.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *