Doorashooyinka Isku Sidkan Ee Soomaliland Oo Maanta Loo Dareeray

Published: May 31, 2021

Waxaa maanta gobolada iyo degmooyinka Somaliland si rasmi ah uga bilowday cod bixinta doorashooyinka isku sidkan ee deegaanka iyo wakiilada Soomaaliland oo ay ku tartamayaan 331 musharax.

In kabadan 1 milyan oo qof ayaa isla maanta ka codayn doona 2709 goob doorasho guud ahaan Somaliland.

Cod bixiyayaasha ayaa safaf dhaadheer ugu jira sidii ay cod kooda u dhiiban lahaayeen, waxaana dadka ay u codeynayaan goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.

Madaxweynaha Soomaaliland oo daahfuray codbixinta doorashada isku-sidkan

Kharashka ku baxaya doorashada oo gaareysa 25 malyan oo doollar ayaa boqolkiiba 80 waxaa bixinaya Maamulka Somaliland, halka Midowga Yurub iyo Taiwan ay bixin doonaan 20 boqolkiiba.

Doorashadan ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee Somaliland laga qabto, iyado markii hore doorasho kasta kaligeed la qaban jiray.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *