Dowlad degaanka Soomaalida oo shaacisay tirada ay ka dileen maleeshiyada Al-shabaab

Published: August 6, 2022
Share1.5k

Taliyaha ciidanka gaarka ah ee dawlada deegaanka Soomaalida General Maxamed Axmed ayaa markii u horaysay la hadlay warbaahinta, isagoo ka warbixiyay khasaaraha rasmiga ah ee ay Al-shabaab u gaysteen.

General Maxamed Axmed ayaa sheegay in ay ka dileen Al-shabaab in ka badan 800 oo dagaalyahannadooda ah oo ay ku jiraan 24 masuul sare sare ah, isla markaana ay qabteen maxaabiis dhan 92 qof waa siduu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhaawaca uu gaarayo illaa 340, kuwaas oo uu tilmaamay inay ka ogaadeen deegaanadii la geeyey dhaawacyadaasi.

Taliyaha ayaa sidoo kale ku shaaciyey inay nolosha ku qabteen ku dhowaad 100 xubnood oo ka tirsan xoogagii weerarka ku qaaday dowlad deegaanka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *