Maamulka jasiiradda Mayotte ayaa ku booriyay dadka deegaanka inay raadsadaan gabaad dhismayaal adag oo ay ku ekaadaan gudaha ka hor inta aysan duufaantu dhicin.
Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay in ka badan 250 kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii duufaanta Chido ay ku dhufatay badweynta Hindiya ee jasiiradda Mayotte oo ka tirsan dalka Faransiiska, sida ay maanta oo Axad ah ku warrantay warbaahinta dadweynaha ee Faransiiska ee France Info.
Sida laga soo xiganaayo ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah, ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay duufaantii ku dhufatay jasiiradda Sabtidii, ay gaari karto ilaa 14 qof.
Ku simaha wasiirka arrimaha gudaha Bruno Retailleau ayaa sheegay in ay jiraan tiro dhimasho ah balse ma uusan awoodin in uu sheego tirada rasmiga ah. Xaaladda jasiiradda, oo u dhaxaysa Madagascar iyo waqooyiga xeebta Mozambique, waxay ahayd masiibo, ayuu yiri.
Dhammaan guryihii aan sida wanaagsaneyn loo dhisin ee jasiiradda waa la burbureen, ayuu yiri. Jasiiraddan waxa ku nool ku dhawaad 310,000 oo qof.
Ambdilwahedou Soumaila oo ah duqa magaalada caasimadda ah ee Jaziiradda Mamoudzou oo la hadlay qaar kamid ah warbaahinta ayaa sheegay in dad badan ay ku dhaawacmeen, isla markaana uu khasaaruhu aad u xooggan yahay. Wadooyinka ayaa la xiray, meelaha qaarna waa go’een, dad badan oo deegaanka ahna koronto la’aan ayaa ku dhacdey.
Waxaa sidoo kale burbur soo gaaray garoonka diyaaradaha ee jasiiradaasi, sida lagu sheegay warbixinta.
Adeegga cimilada ee Faransiiska ee Météo France ayaa sheegay in dabaylo in ka badan 220 kilomitir saacaddii ku dhufatay jasiiradda.
Maamulka jasiiradda ayaa ku booriyay dadka deegaanka inay raadsadaan gabaad dhismayaal adag oo ay ku ekaadaan gudaha ka hor inta aysan duufaantu dhicin.
Dalka Mozambique, oo duufaantu ay gaartay xawaare dhan 240 kilomitir saacadiiba, Chido waxay burburisay guryo badan, iskuulo iyo xarumo caafimaad oo ku yaalla waqooyiga gobolka Cabo Delgado, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee Unicef.
Sida laga soo xigtay Xarunta Maareynta Musiibooyinka Mozambique, korantada ayaa ku duntay Cabo Delgado iyo gobolka deriska la ah ee Nampula, taas oo ka dhigaysa mid aad u adag in hawsha samatabbixinta.