Waxaa maanta shir kale furmay Muqdisho midowga musharaxiinta iyo madaxda dowlada federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo raysal wasaare Rooble oo ay wehliyaan madaxweynaha Hirshabeelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Shirka oo ah kii labaad oo ay yeelanayaan dowlada iyo mucaaradka ayaa looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka iyo dhaqan gelinta heshiiskii 25 Khamiistii hore ee lagu dajiyey xiisadii ka jirtay Muqdisho.
Wararka kasoo baxaya shirka ayaa sheegaya inay midowga musharaxiintu xoogga saarayaan sidii loo bilaabi lahaa baaritaan madaxbanaan oo lagu sameeyo dhacdadii lagu weeraray madaxweynayaashii hore.
Raysal Wasaare Rooble oo u muuqda inuu door ka qaadanayo xallinta caqabadaha hortaagan hirgelinta doorashada ayaa la filayaa inuu qaato door uu isugu yeero dowlad goboleedyada si loo dhameeyo waxa dhiman.
Horseed Media