Dowlada Shiinaha oo fariin adag u dirtay Mareykanka iyo UK

Published: November 19, 2019
Safiirka Shiinaha u matalada UK, Liu Xiaoming

Dowlada Shiinaha ayaa digniin adag u jeedisay wadamada Mareykanka iyo UK oo ay ku eedeysay in faragalin ay ku hayaan siyaasada Hong Kong oo ay ka jirto xasarad dhanka siyaasada bilihii la soo dhaafay.

Safiirka Shiinaha u matalada UK, Liu Xiaoming oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada London ayaa tilmaamay in Shiinaha uusan aqbali doonin faragalinta wadamadan ay ku hayaan arimaha siyaasada shiinaha gaar ahaan maamulka Hong Kong.

Mr Liu ayaa intaa ku daray in wadamada reer galbeedka qaar ay si cad u taageerayaan rabshadaha ka jira Hong Kong ayna tahay wax aysan u dulqaadan doonin xukuumada Beijing.

Tan iyo bishii June ayaa dibadbaxyo xoogan waxaa dhigayay shacabka iyadoo ay ku eedeeyeen maamulka Hong Kong siyaasad ahaan uu hoos tago dowlada Shiinaha.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *