Dowlada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Sababtii Dalka Looga Eryey Safiirka Kenya

Published: December 2, 2020

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ka hadlay xiriirka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Kenya iyo sababta keentay in safiir Maxamuud Axmed Nuur tarsan loogu yeeray inuu dib ugu soo laabto Muqdisho.

Wasiir Cismaan Dubbe oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa dowladda Kenya ku eedeeyay in uusan ka muuqan derisnimo wanaagsan, isla markaana ay ku shaqeyneyso faragelin ay ku heyso siyaasadda arrimaha Soomaaliya iyo arrimo kale oo dhulka ah.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa tilmaamay in Ciidanka Kenya ee qeybta ka howlgalka AMISOM ay isaga baxeen deegaano muhiim ah oo dhaca Gobolka Gedo, iyga aan dowladda Federaalka ku wargelin arrintaas, iskoodana isaga baxeen, ayna dhibaatooyin kala duwan u geysteen shacabka ku dhaqan Gedo.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Aadan Dubbe ayaa Siyaasiyiinta Mucaaradka u digay, wuxuuna ugu baaqay inay ka waantooban danaha dalkooda kahor imaanaya iyo shacabka Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *