Guddigii Urur Goboleedka IGAD ee loo xil saaray baaritaanka iyo dabagalka dacwadii dowlada federaalka Soomaaliya ay…
Guddigii Urur Goboleedka IGAD ee loo xil saaray baaritaanka iyo dabagalka dacwadii dowlada federaalka Soomaaliya ay ka gudbisay dhigeeda Kenya ayaa soo saaray warbixin kadib safaro ay ku kala tageen labada dal.
Guddiga ayaa warbixintooda ku sheegay inay waxba kama jiraan tahay sheegashada Soomaaliya ee ah in Kenya Jabhad ay hubeysay joogaan meel ku dhow xuduudka labada dal, si ay weerar u soo qaadan.
Hase yeeshee wasiirka warfaafinta dowlada federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay guddigan oo ay hogaaminaysay Jabuuti inaysan dhex-dhexaad ka ahayn arrimaha labada dal.
“Ma filayn in walaalkayagii yaraa uu naga hiilin doono, waxaan rajaynaynaa in ay Jabuuti ka noqon doonto arrintan, Jabbuuti waxa xoreeyey Soomaaliya”.
Wasiir Dubbe
Sidoo kale wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa xusay inay diideen guddiga xaqiiqo raadinta inay yimaadaan beledxaawo oo ay tageen kaliya Mandheera, arrintaasina ay shaki kusii abuurtay, isagoo sii raaciyey jawaabta IGAD inay soo baxday markii dagaalku ka dhacay Beledxaawo, 20/01/2021.
Horseed Media